Wufuud-yo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

jiinka June 28, 2013 Comments Off
Wufuud-yo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Gudoomiyaasha baarlamaanada Maamul goboleedyada soomaaliyeed ee Puntland iyo Galmudug C/rashiid Maxamed Xirsi iyo Xuseen Maxamuud Heyl ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

 

Gudoomiyaha baarlamaanka maamul gobaleedka Galmudug waxaa la socday xildhibaano kamid ah baarlamaanada Galmudug iyo Puntland iyadoo garoonka dayuuraduha ay si diiran ugu soo dhaweeyeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee soomaaliya,

 

Ujeedada imaatinka muqdisho ee mas’uuliyiintan ka socota baarlamaanada maamul goboleedyada soomaaliyeed ee Galmudug iyo Puntland waxay tahay casuumaad ay ka heleen gudoomiyaha baarlamaanka federaalka ah si ay uga qeyb galaan xiritaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka soomaaliya,

 

Xildhibaan C/qaadir Baqdaad oo loo xilsaaray soo dhaweynta wafdigan ayaa Saxaafada la hadlay waxa uuna ku soo dhaweeyay caasimadooda iyo dowladooda,isagoo sheegay inay la kulmi doonaan gudoonka baarlamaanak soomaaliya.

 

C/rashiid Maxamed Xirsi afhayeenka golaha baarlamaanka maamul gobaleedka Puntland ayaa talaabo hormarineed ku tilmaamay in ay is dhex galaan baarlamaanada gobollada iyo baarlamaanka federalka ah,

 

Taasoo mahadeeda uu leeyahay gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari).

 

Sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka maamul gobaleedka Galmudug Xasan Maxamuud Heyl ayaa dhankiisa farxad ku tilmaamay imaatinkooda Muqdisho,

 

Isagoo sheegay in baarlamaanka soomaaliya uu yahay hooyada baarlamaanada maamul goboleedyada.

 

Inta ay joogaan mas’uulityaanta ka socta baarlamaanada Galmudug iyo Puntland waxa ay kulamo la qaadan doonaan madaxda dalka,

Iyagoo sidoo kale ka qeyb gali doono xaflada xiritaanka kalfadhiga labaad oo qorsheysan dhamaadka bishan.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrshid@gmail.com

Comments are closed.