Siiri-liyon Oo Howlgalo Ay Ku Qabteyn Al-Shabaab

jiinka June 27, 2013 Comments Off
Siiri-liyon Oo Howlgalo Ay Ku Qabteyn Al-Shabaab

Wasiirka difaaca dalka Sierra Leone ayaa sheegay in kaalinta ay ka qaadanayaan Sidii Soomaaliya ay dib ula soo noqon lahayd hanaankeedii dowladnimo,

Isagoona tilmaamay in sababta ay qeybta kaga yihiin AMISOM ku sheegay inay tahay sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al-shabaab.

 

Wasiirka difaacada dalka Sierra Leone ayaa sheegay galinkii danbe ee shalay in ciidamada AMISOM ee loo soo diray Soomaaliya kuna sugan Magaalada Taabta dagaal ay la galeen Al-shabaab ay kaga dileen dagaalyahano kuwo kalena ay iyagoo nool kaga qabteen,sida lagu qoray Wargeyska Awarenes Times.

 

ASkarta laga qabtay Al-shabaab ayaa la sheegay inay gaarayaan Labo askari,ka dib markii Al-shabaab Axadii la soo dhaafay weerar ay ku qaadeen goob ay magaalada Taabta kaga sugnaayeen Ciidamada ka socda wadanka Sierra Leone ee Soomaaliya ku sugan.

 

War laga soo saaray wasaarada difaaca Sierra Leone ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday ciidamada Sierra Leone ee qeybta ka ah AMISOM uu ahaa mid qorsheysan,

 

Ciidamada Sierra Leone ay isku dayeen inay iska difaacaan Al-shabaabkii soo weeraray.

 

War laga soo xigtay wasaarada difaaca dalkaasi ayaa xaqiijinaya in dhanka ciidamada Sierra Leone wax qasaaro ah dagaalkaasi uusan ka gaarin,inkastoo aysan jirin cid ka madax banaan oo warkaasi beeninaya ama axqiijinaya.

 

Ciidamada ka socda wadanka Sieri Leon ayaa waxay qeyb ka yihiin howlgalka ka socda Soomaaliya ee loo yaqaano AMISOM,Waxayna ciidamada ka howlgalaan deegaanada taabta iyo Dobley oo ka tirsan Jubbooyinka.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.