Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay wada hadal la gasho Xassan Daahir Aweys iyo cid weliba oo kasoo goosata Ururka Al Shabaab ee dagaalada kula jira dowlada federaalka ah.
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” oo la hadalay Saxaafada una sheegay in dowlada Federaalka ay wadahadal la galeyso Xassan Daahir Aweys iyo cid weliba oo nabad ogolna ay soo dhaweyneyso wadahadalna la galeyso.
Eng. Yariisow ayaa sidoo kale sheegay in mowqifka dowlada uu yahay khilaaf kasta oo jira in lagu dhameeyo dib u heshiisiin iyo wadahadal,
Waxa uu xusay afhayeenka in dhowr jeer dowlada ay ugu baaqday kooxaha kasoo horjeeda in ay soo fariistaan miiska wadahadalka taa ayuu ku tilmaamay in ay uga golleeyihiin in dalka la gaarsiiyo 2016-ka doorashooyin xor ah,
Isagoona xusay afhayeenka in arinta Xassan Daahir aysan dowlada imika si dhameystiran uga hadleyn balse wax weliba ay ku dhameyneyso wadahadal.
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowlada ay dooneyso in lasoo dhaweeyo cidii kasoo baxsaneysa Al Shabaab intii ajaanibta ka bar bar dagaalameysa Al Shabaab ay ka waayaan cid taageerta,
Kadibna ay suura gasho in lasoo qab qabto ajaanibta ama ay dalka isaga baxaan, sida uu hadalka u dhigay afhayeenka.
Xassan Daahir Aweys oo imika ku sugan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaan si dhab ah loo ogeyn halka uu qaban doono,
Ayadoona wararka qaar ay sheegayaan in maalmaha soo socda uu soo gaari doono magaalada Muqdisho, warar kalena waxa ay sheegayaan in Cadaado uu kaga duuli doono magaalada Doha ee dalka Qadar.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.