Madaxweyne Shariif oo ku laabtay Muqdisho

xeydar September 3, 2012 Comments Off
Madaxweyne Shariif oo ku laabtay Muqdisho

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ka qeyb galay aaskii raysul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa maanta ku laabtay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin iyo dadweyne badan oo isugu soo baxay sidii ay u soo dhoweyn lahaayeen.
Waxaa la adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo dadweynihii isugu soo baxay soo dhoweyntiisa ay siteen boorar sawirradiisa ay ka muuqdeen.
Shariif Sheekh Axmed ayaa u gudbay xarunta madaxtooyada, iyadoo lagu wado inuu warbaahinta uga warbixiyo safarkii uu ku tegay dalka Itoobiya.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.