Ciyaar kubada koleyga oo Lagu maamuusayey munaasabada 26 June ayaa lagu qabtay Muqdisho

xeydar June 26, 2013 Comments Off
Ciyaar kubada koleyga oo Lagu maamuusayey munaasabada 26 June ayaa lagu qabtay Muqdisho

Munaasibada 26 June 2013 oo ku beegan maalinta xuriyada ee Calan laga taago Ciidda Soomaaliya ayaa si weyn loogu dabaal dagay magaaladda Muqdisho.

Wasaaradda Horumarinta adeega Bulshada  iyo Gudiga Olompikada Soomaaliyeed ( GOS) oo kaashanaya  xiriirka kubada koleyga Gudoomiye Cabdulaahi Axmed Nuur “Cadaani”ayaa ugu qabtay tartan kooxaha gabdhaha naadiga Horseed iyo gabdhaha  naadiga Heegan garoonka ciyaaraha kubada koleyga ee Ex-Luujino Magaaladda Muqdisho.

Daawashada ciyaarta munaasabada  26 June  ayaa ka soo qeyb galey  Madaxda Dowlada  uu hor kacayey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Horumarinta Adeeg Bulshada Mudane Maxamuud Macalin Yaxye, Agaasimka  guud shaqada iyo shaqaalaha dhalinyarada iyo isbootiga Mudane Aweys Sheekh Xadaad, Agaasimaha waaxda isboortiga Saciid Maxamed Xasan {Saacid} iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradda.

Sidoo kale daawashada ciyaartaasi  waxaa ka soo qeybgalay   Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur  {Tarzan} iyo Xoghayaha Gobalka Banaadir Cabdi Kaafi iyo qaar kamid ah Musuuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir.

 Daawashada ciyaarta munaasabada 26 june  oo aan loo  kala harin ayaa waxaa ka soo qeybgalay shacbiyad aad u badan oo lulayay Calanka kuna luuqeynayay heesta Calanka ee asgaanta u ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Ciyaarta ay ku tartamayeen gabdhaha ka socda Naadiyada Horseed iyo Heegan ayaa xiligii looga talagalay ku bilaabatay jawi xiisad iyo xamaasad gilineysay dhamaan dadkii u soo daabasho tagay,

Ciyaartoyda gabdhaha oo aan kala dhicin, habka Gool dhalinta iyo xamaasadda ka muuqatay ciyaarta ayaa  xiisad gelineysay  daawadayaashii nasiibka u yeeshay inay soo xaadiraan Garoonka Ex Luujino.

 Ciyaarta kubada koleyga ee Lagu maamuusayey munaasabada 26 June ayey guusha ku raacday Gabdhaha Naadiga Horseed oo la timid dhibco  gaarayay 34 –Halka Gabdhaha Naadiga Heegan ay  la yimaadeyn 30-dhibcood.

Gabdhaha Naadiga horseed oo aad ugu faraxsanaa guusha ay maanta ku hanteyn Koobka loogu tala galay Munaasibada 26 june ayaa laga dheehanayay farxad aad u sareysa halka, Gabdhaha naadiga Heegan ay u hambalyeenayeyn naadiga Horseed.

Gudoomiyaha Naadiga Horseed Cali Xasan Axmed ayey aad ugu hambalyeeyay dhamaan taageera yaasha  ka soo qeyb galay ciyaarta.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda  Horumarinta Adeega Bulshada Maxmuud Maclin Yaxye ayaa gudoonsiiyay  Kabtanka kooxda ciyaartoyda kubada koleyga naadiga Horseed Marwo Batuula Qaasim Maxamed.
Wasiirka oo hadal gaaban u jeediyay dhamaan ka soo qeyb galayaasha ayaa u hambalyeeyay guusha ay gaareen Gabdhaha Horseed , hakaasina ka  balanqaaday in ay Xukuumada ahmiyad gaar ah sii neyso Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliyeed.

 

 Daawo Sawirada

 C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

 

 

Comments are closed.