Saqda dhexe Xalay ayaa Calanka laga taagay faraaraha Xarunta Villa Soomaaliya.
Waxaa taagnaa goobta madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha iyo ciidamadooda oo ay ka mid ahaayeen kuwa bambeyda iyo qeybo kale oo ka mid ah bulshada oo safaf dhaadheer ku jiray.
Dadka waxa ay muujinayeen dareen ilaa calanka laga qaado dhulka oo uu ka dulbabado hawada iyagoona isha ay la sii raacayay.
Mar qura markii calanka la suray ayay dadka sacab tumeen iyaga oo dhoolla cadeynaya waxaa dhinac socday farxadaasi gaada ka ciyaarka ciidamada bambeyda oo gaada ka ciyaar soo bandhigay.
Ka hor inta aan calanka sare loo qaadin waxaa jiray heeso ka tarjumaya qiimaha ay leedahay 26 june oo ay soo bandhigeen fanaaniinta.
Qofkii u horeeyay ee hadlay waxa ay aheyd Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan, wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo kasoo jeeda Waqooyiga, Fowsiyo kama sheeegin halkaasi wax badan lakiin waa ay hambalyeysay.
Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon waxa uu sheegay in dadaalkii ay sameeyeen Umada reer Waqooyi ee Somaliland maanta mid ka adag oo midnimada lagu raadinayo loo baahan yahay in la sameeyo.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa u sheegay Ra’iisul wasaaraha in looga fadhiyo minimada Soomaaliyeed,
Waxaana sidaasi awgeed uu soo jeediyay in wada hadalada lala furay Somaliland loo baahan yahay in geed dheeer iyo mid gaabamba loo fuulo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in ay diyaar u yihiin wax weliba oo lagu daweynayo dhaawacii gaaray walaalaha Waqooyi.
26-ka June waa maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed qiimo iyo qadarinna ay u hayaan.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.