Warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duqeymo xoogan oo si xiriir ah u soconaya ay ka bilowdeen gudaha magaalada Kismaayo, iyadoo ay magaalada ku hoobanayaan madaafiic xooggan.
Markab dagaal oo ku sugan Xeebaha ku teedsan magaalada Kismaayo ayaa wuxuu magaalada Kismaayo ku garaacayaa madaafiic aad u xoogan, iyadoo duqeymuhu ay soconayaan qaddar dhan 20 daqiiqadood oo xiriir ah.
Duqeymaha ayaa la sheegay in ay gilgileen guud ahaanba magaalada Kismaayo, waxayna wararku tibaaxayaan in duqeymaha xoogooda ay ka soconayaan agagaaraha Dekada magaalada Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo, sidoo kalena ay jiraan xaafado dhowr ah oo ay madaafiic ku dheceen, gaar ahaan xaafadda “Geed Kaama Dambeeyo”.
Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa waxaa la soo dersay cabsi aad u xooggan, waxaana guud ahaan magaalada laga maqlaaya daryanka hubka cul culus ee lagu duqeynayo magaalada Kismaayo.
Warar kale ayaa sheegaya in Saraakiisha Al-shabaab ay kulan albaabada u xiran la leeyihiin odayaasha beesha sade ee magaalada Kismaayo, mana la oga waxa ay kala hadlayaan, waxaase jira warar hor dhac ah oo ka soo baxaya kulankaas, kaasoo sheegaya in loogu baaqay dhalinyarada inta hub qaadi karta ay dagaalamaan, haweenka, carruurta iyo waayeelsadana ay ka baxaan magaalada Kismaayo.
Wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladda magaalada Kismaayo la soco insha Allaah.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.