Dalka Koonfur Afrika Uu Dab Ku Qabsaday Shirkada Ay Leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed

jiinka June 25, 2013 Comments Off
Dalka Koonfur Afrika Uu Dab Ku Qabsaday Shirkada Ay Leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed

Salama Cash & Carry oo aheyd shirkad ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato soomaaliyeed ayaa habiininadii isniita waxa uu dab ku baabi;iyay dalka Koonfur Afrika.

 

Dabdkan oo aan la ogeyn waxa sababay ayaa guud ahaan baabi’iyay hantidii taalay goobta uu dabku ka kacay.

Maamulaha Shirkadda Salama Cash & Carry oo bahda saxaafada kula hadlay gudaha shirkadda ayaa sheegay inaysan haatan cadeyn karin sababta keentay dabkaan,

 

Iyadoo ay baaritaan ku hayaan kooxaha dabdamiska ah ee dowladda Koonfur Afrika, wuxuuna intaa ku daray inay dib kasoo sheegi doonaan wixii dhaliyay dabka iyo qasaaraha soogaaray.

 

Safiirka Soomaalida u fadhiya Koonfur Afrika Sayid Shariif oo aroortii hore soo gaaray goobta dabku qabsaday ee ay shirkadu ku taalay ayaa guud ahaan uga tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed qasaarihii soo gaaray shirkadda Salama,

 

Isagoona ku tilmaamay in salama ay aheyd shirkad qaran ee aysan aheyn shirkad ay gaar u leeyihiin dad gaar ah.

 

Mr Sivu Maqungo oo horay u ahaa Agaasimaha waaxda xiriirka caalamiga ah ee dowladda Koonfur Afrika xafiiska Bariga Afrika oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii soo gaaray goobta ganacsi ee shirkadda Salama Cash & Carry ee gubatay,

 

Ayaa si gaar ah ula hadlay shaqaalaha shirkadda oo badankooodu ay ahaayeen dad Koonfur Afrikan ah, isagoo alle uga rajeeyay in Salama ay dib u soo kabsan doonto.

 

Guud ahaan gubashada Xarunta Ganacsi ee Salama Cash & Carry ayaa murugo ku beertay dad badan oo Soomaali iyo ajnabiba leh kuwaas oo sheegay inaysan Koonfur Afrika ku heleen shirkad sida Salama la mid ah.

 

Isku soo duuboo waxay arrintaani kusoo hagaageysaa xilli bilihii lasoodhaafay ay dalkaani Koonfur Afrika ka socdeen boob iyo dil loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ka ganacsada magaalooyinka iyo tuulooyinka Koonfur Afrika,

Iyadoo ay Salama aheyd halka looga adeego inta badan ganacsiga Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.