Wufuud Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Balad-Weyne Ee Gobolka Hiiraan

jiinka June 25, 2013 Comments Off
Wufuud Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Balad-Weyne Ee Gobolka Hiiraan

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga xukuumadda soomaaliya mudane Cabdi xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta gaaray magaalada b/weeyne ee xarunt gobolka hiiraan.

 

Wasiirka oo ay wehliyeem qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya,safiirka dalka jabuuti u fadhiya soomaaliya,

 

Gudoomiyah maamulka gobolka hiiraan Cabdi Faarax Sharaawe (Laqanyo),fanaaniin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka soomaaliya ayaa markii ay gaareen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada b/weeyne .

 

Waxaa si aad ah u soo dhaweeyay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka hiiraan oo ku diyaarsanaa garoonka.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa markii uu gaaray magaalada b/weeyne waxa uu Saxaafada u sheegay in safarkiisa uu ku wajahanyahay in uu kormeero,

 

Islamarkaana uu dhiiri galiyo ciidamada xooga dalka soomaaliya ee ku sugan gobolka hiiraan,isagoo sheegay in dhawaan Al-shabaab laga xureeyn doono deeganada fara ku tiriska ah ee gobolka hiiraan kaga suganyihiin.

 

Wasiirka ayaa u mahadceliyay ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti,isagoo sheegay ciidamadasi uu kala qeyb gali doono munaasabadda xurnimada dalka jabuuti oo ku beegan 27kan bishan June.

 

Safiirka dalka jabuuti u fadhiya soomaaliya Dayib Dubad Rooble ayaa sheegay in shacabka soomaaliyeed ay kala qeyb gali doonaan munaasabadaha 26ka June iyo 1da Luuliyo,

Isagoo sheegay in ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada b/weeyne ay la wadaagi doonaan farxadda maalinta xuriyada ee dalka Jabuuti.

 

Wafdi uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhiga Cabdi xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa magaalada b/weeyne kulamo kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Wasiirka ayaa shacabka ku dhaqan magaalada b/weeyne uga mahadceliyay sida wanaagsan oo ay ugu soo dhaweeyeen magaaladaasi,

Isagoo tilmaamay in shacabka ku dhaqan gobolka hiiraan ay taageersanyihiin dowlada soomaaliya.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.