Baaq Loo Jeediyay Beelo Ku Dagaalamay Gobolka Karkaar

jiinka June 25, 2013 Comments Off
Baaq Loo Jeediyay Beelo Ku Dagaalamay Gobolka Karkaar

Xili xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labo beelood ay ka taagan tahay gobolka ay magowday Puntland ee Karkaar ayaa waxaa xiisadaasi ka hadlay siyaasiyiinta deegaanka.

 

Dr. Saadaq Eenow, oo Madax ka ah Urur siyaasadeedka Midnimo ee Puntland ayaa sheegay in dagaalka Qasaarihiisa uu marnaba faa’ido laheyn marka laga reebo in uu dhibaato horseedo.

 

Siyaasiga ayaa ugu baaqay beelaha dagaalamaya in ay dagaalka joojiyaan taa badalkeedana ay nabadda Qaataan.

Dhawaan ayey aheyd markii beelo mudo badan ay colaad ka dhaxeysay lagu heshiisiiyay deegaano ka tirsan Puntland.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.