Dalka Cumaan Wufuud Ka Socda Oo Magaalada Muqdisho Soo Gaaray

jiinka June 24, 2013 Comments Off
Dalka Cumaan Wufuud Ka Socda Oo Magaalada Muqdisho Soo Gaaray

Wafdigan ka socday wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Cumaan ayaa waxaa hogaaminayay Cabdalla Mubaarak Al-cariimi,waxana ka mid ah ganacsato u dhalatay dalkaasi.

 

Wafdigan ayaa markii ay garoonka ka soo dageen waxaa warbaahinta la hadlay Cabdalla Mubaarak Al-cariimi waxana uu sheegay in booqashadooda ay qeyb ka tahay xoojinta xirirka u dhaxeeya labada dowladood iyo kaalmo ay saltanada Cumaan ay bixisay la gaarsiinayo shacabka soomaaliyeed.

 

Cabdalla Mubaaraka Al-cariimi ayaa sidoo kale sheegay in ay doonayaan inay dib u furan safaadaradi Saltanada Cumaan ay ku Lahayd magaalada Muqdisho,iyo dib u soo nooleeynta Madxafkii taariikhiga ahaa ee Saciid Barqash ee degmada Xamar weyne.

 

Wafdiga ayaa intaasi ka la kulmay ra’iisul wasaaraha xukuumadda soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),waxana ra,iisulwasaare Saacid uu wafdiga uga mahad celiyay imaashahood muqdisho,iyo sida Saltanada Cumaan u garab taagantahay shacabka soomaaliyed.

 

Ra’iisulwasaare Saacid iyo wafdiga ayaa sidoo kale ka wada hadlay xiriirka labada iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

 

Wafdiga ayaa ra’iisulwasaaraha gaarsiiyay dhambaal ay kaga wadeen madaxda Saltanada Cumaan.

Mudoonyinkii danbe ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaarayay wafuud kala duwan oo doonaya inay dib u furaan safaaradihii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.