Xaliimo Jaamac Cilmi oo kamid haweenka Soomaaliyeed ayaa cambaareysay dilal qorsheysan oo loo geysanayo gabdhaha dilalkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Xaliimo Jaamac ayaa ku tilmaantay dilalka gabdhaha loogu geysanayo Gaalkacyo in ay yihiin jiir ama dooli bisadaha ay ugaarsanayaan cidna aysan ka celineyn,
Sida ay Xaliimo sheegtay, waxa ayna ugu baaqday mas’uuliyiinta maamulka Galmudug in ay wax ka qabtaan dhibaatada loo geysanayo gabdhaha ku nool Gaalkacyo.
Xaliimo ayaa sidoo kale ugu baaqday Culimada, dhalinyarada iyo mas’uuliyiinta maamulka Galmudug in ay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada Gaalkacyo loogu geysanayo gabdhaha.
Hadalka Xaliimo Jaamac Cilmi ayaa kusoo aadaya xili maalmo ka hor magaalada Gaalkacyo duleedkeeda laga helay meydka gabar da’ yar oo la gowracay,
Ayadoona aan la ogeyn sababaha ka dambeeya ugaarsiga gabdhaha ee Gaalkacyo kusoo kordhay.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.