Guuxa Murashaxiinta kasoo baxaya ayaa sii korortay Tan iyo markii shalay Guddiga Doorashada Madaxtinimada ku dhawaaqeen shuruudaha looga baahan yahay Musharixinta Dooneya Xilka Madaxweynaha Dalka Soomaaliya.
Shuruudaha lasoo bandhigay waxaa ka mid ah in 10-kun oo Dollarka Mareykanka taasi oo umuuqata mid la,faragelinayo Jeebka Murashaxiinta Lacagaha badan la yimid Dalka Soomaaliya.
Maxamed Cali axmed oo ka mid ah Mushaxiinta Xilka Madaxtinimada ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay markii in is diiwaan gelinta Musharixiinta Madaxweyne laga Doonayo inay tahay 10-kun oo Dollarka Mareykanka.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna ka mid ah Murashaxiinta utaagan Xilka Madaxtinimo ee Dalka Soomaaliya oo maanta ka qeyb galayey Barnaamijka Maanta iyo Musharaxiinta ee ka baxa idaacadda Risaala ayaa ka hadlay arinta 10-kun oo Dollar ee la hor dhigay inay isku diiwaan gelinayaan Murashaxiinta uu ka Midka yahay.
Aqoonyahanka Maxamed Cali axmed oo 2009-kii utaagnaa sidaan oo kale Murashaxnimadii Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed kaga guuleystay Madaweynaha Soomaalia ayaa sidoo kale ka hadlay arimaha la xiriira in shuruudaha lasoo bandhigay iyo Dastuurka Qodobada lasoo bandhigay inay is khilaafsan yihiin.
Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhinaca kale guul ku tilmaamay in Magaalada Muqdisho ay oo Labadii sano ee lasoo Dhaafay ay Xoogaa Isbadal Nabadeed laga dareemayay 10-ka Bishaan lagu qabto Doorasho Madaxweyne.
Shuruudo Shalay lasoo Saaray oo ku aadanaa Musharixiinta Xilka Madaxweynenimo ee Dalka waxaa Durba kasoo baxaya qeylo Dhaan ay ka muujiyeen qar kamid ah Musharaxiinta u Tartamaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Warar Hoose oo ay heshay Idaacadda Risaala ayaa sheegaya in Musharixinta qaarkood ay Dalaad dheeraad ah ay u galeen sidii loo Xakameyn lahaa Musharixiinta faraha badan ee u loolamaya Kursiga Madaxweynenimo taasi oo sida muuqata lagu Xadeynayo lacagaha gaaraya 10-ka kun ee Doolar ah in la isku Diiwangaliyo.
Shalay ayey aheyd markii Guddiga Qaban qabada Doorashada madaxweynaha soomaaliya ay soo gudbiyeen Shuruudaha laga doonayo Musharixiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxweynenimo ee Dalka taasi oo ay ku shirto in Musharax waliba laga doonayo 10,000$ oo is diiwan galin ah wallow Musharixiinta qaar ay Arintaasi Cabasho ka Muujinayaan.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.