150 askari oo booliska milateriga ah ayaa saaka tababar looga furay dugsigii ciidamada cirka ee Ma-Dhamaato oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Tababarka waxaa bixinaya saraakiisha dalka Sierra Leone ee qeybta ka ah ciidamada AMISOM, wuxuuna socon doonaa muddo labo toddobaad ah.
Cabdinaasir Seeraar, afhayeenka maamulka Jubbaland ayaa sheegay in tababarka ay ciidamadu ku qadaan doonaan sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha geysta dambiyada.
Cabdinaasir Seeraar ayaa intaas raaciyay in ciidamada booliska milateriga markii ay dhammeystaan tababarka ay sameyn doonaan howlgallo ay ku sugayaan amniga magaalada Kismaayo oo maalmihii ugu dambeeyay faraha ka sii baxayay.
Ciidamada booliska milateriga ayaa waxaa laga soo xulay magaalada Kismaayo iyo deegaannada kale ee Jubbaland.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.