Gobalka Baay ee koofurta Soomaaliya ayaa waxa ay daaha ka rogayaan in maanta qarax xooggan oo ka dhacay Degmada Qansax dheere uu geestay qasaara nafeed iyo mid maaliyadeed.
Goob-joogayaasha ayaa waxa sheegayaan in qaraxaasi ay ku dhinteen afar ruux afar kalana ay ku dhaawacmen iyada oo dhaman dhibanayaashu ay isugu jiraan askar iyo rayid.
Qaraxaan ayaa lala eegtay gawaari kolonya ah oo ay wateen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed,
Iyada oo la aaminsanyahay in qaruxu ahaa nuuca meelaha fog fog laga hago.
Wararkii ugu danbeeyay ee ka imanaya Qansax dheere ayaa waxa ay xaqiijinayaan in shaqsiyaadkii ku dhaawacmay weerarkaasi loo qaday goobaha caafimaakda ee gobalkaasi iyada oo ay deegaankii wax ka dheceen ay ka socdaan howl-gallo lagu baacsanayo haraadiga kooxdii qaraxa ku lugta laheyd.
Si kastaba Shabaab ayaa waxaa caada u ah in ay ku qaadaan dowlada Soomaaliya iyo ciidamadeeda werarro loo adeegsado qaraxyo,
Shirqoollo dil toos ah iyo weeraro ku dhufo oo ku dhaqaaq ah maadaama aysan jirin awood buuxda oo ay ku wadi karaan dagaal toos ah.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.