Kormeerkan uu maanta wasiirka wasaaradda howlaha guud dib u dhiska gaadiidka badda iyo tamarta Muxudiin Maxamed Kalmooy iyo agaasimaha guud ee wasaarada Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) ay ku tageen xarumo horoy ugu burburay dagaaladi dalka ka dhacay.
Xarumahan ay kormeereen mas’uuliyiintan ayaa waxaa ka mid ahaa Jaamacadii ummadda ee degmada xamar weyne,dugsigii sare ee badda,garoonkii jeenyo iyo taliska ciidanka badda.
Wasiirka iyo mas’uuliyiinta la socday ayaa warbixino la xiriira xaaladaha taliska ciidanka badda soomaaliya ka dhageystay Ad Faarax Cumar Axmed (Faarax Qare)isagoo sheegay in waqtigii ay jirtay dowladii dhexe ee soomaaliya aysan jirin waxyaabaha soo kordhay sanadihii ugu danbeeyay oo ah burcad badeed iyo in la xado kheyraadka dalkeena.
Wasiirka wasaarada howlaha guud dib u dhiska,gaadiidka badda,iyo tamarta oo ka hadlay kormeerkan uu ka tagay xarumaha kala gadisan ayaa sheegay in uu qeyb ka yahay shaqada wasaarada loona baahanyahay in dib u dhis lagu sameeyo xarumahan oo ah kuwo muhiim u ah wasaaradiisa.
Wasiirka ayaa ugu baaqay ganacsatada soomaaliyeed inay maalgashtaan dalkooda.
Dowlada soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waday dhismaha xaruumaha muhiimka ah ee ku yaala magaalada Muqdisho,si uu u so laabto adeegii guud ee shacabka soomaaliyeed.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.