Ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay gaari siday 27 tan oo ah kiimikada laga farsameeyo waxlaha qarxa oo ay saraakiisha ciidamadu sheegeen inuu ku sii jeeday dalka Soomaaliya.
Afhayeenka booliska Kenya, Masoud Mwinyi ayaa saxaafada u sheegay in gaari markii ay gacanta ku dhigeen u dhaqaajiyeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo baaritaano lagula sameynaynayo.
Wuxuu sheegay Masoud Mwinyi in hadii Hubkaan ama waxyaabahan Qarxa ay Soomaaliya gali lahaayeen dhibaato Xoogan ay ku geysan lahaayeen Al-shabaab,
Isagoo tusaale u soo qaatay Falal ismiidaamin ah iyo inay ku fuliyaan Qaraxyo lala eegto xarumaha dowlada Soomaaliya iyo kuwa Caawinaya.
Waxyaabahana Kiimikada ee gacanta ay ku dhigeen Ciidamada Boliiska Kenya ayaa la aamisan yahay in laga soo qaaday Magaalo Xeebeedka Monbasa,
Waxaana lagu soo dhex qariyay sida Boliiska ay sheegeen Gaari ay saarnaayeen Kiishas Sonkor iyo Bur ah.
Kiimikada laga farsameeyo walxaha qarxa ee Kenya lagu qabtay ayaa imaaneysa maalin iyadoo dalka Kenya qeybo ka mid ah ay ka jiraan falal amaandari oo inta badan Kenya ay ku eedeyso inay ka danbeeyaan Al-shabaab.
Magaalada Monabasa ayaa ugu badan meelaha ay wax ka dhacaan iyadoo la tuhunsan yahay in waxyaabahan Kiimikada ah laga keenay Monbasa.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.