Gelinkii dambe ee maanta waxaa si rasmi ah uga furmay garoonka Luujino oo ku yaala degmada C/casiis ee gobolkan Banaadir tartanka xidigaha wiilasha kubadda gacanta Dalkeenna ayadoo tartankaasina ay u daawasho tageen dadweyne aad u farabadan.
Tartankan oo ka qeybgalayaan Seddex Kooxood oo kala ah Air Uganda,Liido Fast Food iyo Nationlink ayaa munaasabad kooban oo lagu furayey galabta waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta xiriirka kubadda Gacanta Dalkeenna iyo mas’uuliyiin ka socotay gudiga olombikada.
Ciyaartii ugu horeysay ee lagu furay tartankan ayaa galabta waxa ay dhexmartay kooxaha Air Uganda VS Nationlink waxaana waqtigii loogu talagalay ciyaarta ay kusoo gebageboowday 19-16 oo ay ku adkaadeen ciyaartooyda kooxda Air Uganda.
Seddexda Kooxood ee tartanka ka qeybgalaysa ayaa iyagu is wada arki doona ayadoo kooxdii ugu dhibco badnaatana ay koobka ku guuleysan doonto.
Sidoo kale tartankan inta uu socdo waxaa lagasoo dhex xulayaa ciyaartooyda ciyaareysa ciyaartooyda Dalkeenna u mateli doonta Xulka Kubadda Gacanta.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.