Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka Barlamaanada Carabta, iyadoo shirkaasina lagu taageeray dowlada Federalka Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya u metelayay shirkaasi,
Isagoo ku sugan Magaalada Qaahira ayaa sheegay in shirkaasi laga soo saaray go’aano ay ka mid ahaayeen in la taageero dowlada Soomaaliya islamarkaana ay wadamada Carabtu gacan ka geystaan dib u dhiska Soomaaliya.
Sidoo kale Xildhibaan Dhalxa ayaa xusay in Baarlamanka Carabtu uu bogaadiyay dadaalada dowlada Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xasilinta iyo horumarinta dalka,
Waxeyna hoosta ka xariiqeeyn in wadamada Carabtu ay door wax ku ool ka qaadan doonaan meel marinta qoryayaasha dowladu ay ku horumarineyso dalka.
Shirkan oo Sadexdii biloodba mar la qabto ayaa doorkan looga hadlay dhibaatooyinka ka jira qaar ka mid ah wadamada Jaamacada Carabta iyo sidii wax looga qaban lahaa dagaalada iyo amnidarada ka jira wadamo ka mid ah Jaamacada Carabta.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.