Mudadan kala guurka si loo gaaro hoggaan horseeda isbedel waa lagama maarmaan in xildhibaanadu u istaagaan badbaadinta ummadda Soomaaliyeed Ayagoo kaashanaya shacbi weynaha waa inay qaadaan masuuliyadda ugu sareysa ee aayo katalinta Soomaaliya.
Waxaan ku amaanan dhaqanka beelaha Soomaaliyeed siday isaga xilqaameen soo xulidda xildhibaannada, waxaana hore hambalyo ugu diray, uguna celinayaa guud ahaan xubnaha noqday Xildhibaannada.
Waxaan dhamaan xildhibaanada si gaar ah ugaga tahniyadaynayaa
habkii dimuquraadiyadda iyo xilkasnimada lahayd ee ay u doorteen Afhayeenka iyo Ku-xigeennadiisa.
Waxaan aaminsanahay in hoggaankaas iyo Xildhibaannaduba noqon doonaan kuwo si karti leh u guta xilalkooda.
Waxaan ognahay in hawsha hay’adda Baarlamaanku tahay saldhigga aasaaska qaran,waajibkooda u weyn ee sharci-dejintu tahay shaqada ugu muhiimsan ee dowladnimo Halka bilowga hawshooduna tahay furaha dhismo nidaam xukuumadeed tayo leh.
Haddaba, anigoo aaminsan in maalinta Isniinta ah ee soo socota oo taariikhdu tahay 10.09.2012 ay tahay mid taariikhda geli doonta oo magaca ummadda Soomaaliyeed ay Xildhibaannadu ku
dooran doonaan Madaxweyne, haddii Alle Idmo; si ummadda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku raagatay muddada dheer ay u hesho hoggaan u qalma oo u-horseeda nabad, caddaalad, horumar,
sharaf iyo qarannimo buuxdana, waxaan ugu baaqayaa Xildhibaannada:
1. In ay codkooda ugu hiilliyaan badbaadinta danta Qaranka iyo rabitaanka shacabka.
2. In ay illoobaan danta gaar, koox iyo qabiil, kuna badalaan mabda’ Soomaalinnimo.
3. In ay doortaan hoggaan ku sifaysan Alle ka cabsi, aaminnimo, caddaalad, daacad, aqoon,
4.
waaya’aragnimo iyo waddaninnimo.
5. In ay maskaxda ku hayaan in la gaaray waqtigii isbedelka ee hoggaamiye aan lagu
6.
fashilin ee wax-u-qabadka ummaddu ay dhab ka tahay. Hogaamiye wata aragti iyo
barnaamijyo qorshaysan, lehna aqoon siyaasadeed gudo iyo dibed oo marxaladdan adag
ka gudbin karto dadka iyo dalka.
In ay ku talagalaan kadib doorashada Madaxweyne sidii wada-shaqayn iyo is-kaashi
buuxa oo khilaaf la’aan ah loogu wada maamuli lahaa masuuliyadda loo hayo shacabka.
Sidaas darteed, waxaan u rajaynayaa guud ahaan Xildhibaannada sharafta leh ee Soomaaliyeed in ay noqdaan kuwo ka fakara sidii lagu gaari lahaa nolol sharaf leh ee hadda iyo cawaaqib wanaagsan oo ay dhaxlaan jiilalka danbe, in ay tahay mid, xukunka Alle ka sokow, ku xiran qalinka gacantooda.
Isbedel, Nabad iyo Horumar.
Hon. Cabdullaahi Axmed Caddow
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.