Maamulka Gobalka Shabeelada dhexe ay xabsi dhigeen masuuliyiintii shirkadaha ka howl gala magaalada Jowhar ee xarunta gobalkaasi.
Masuuliyiinta xabsiga loo taxaabay ayaa waxaa la sheegay in ay isugu jiraan qolyihii Isgaarsiinta, Xawilaada iyo guud ahaan Shirkadaha qarashka badan heesta ee deegaankaasi ka howl gala.
Sababaha loo xiray masuliyintaan ayaa waxaa la sheegayaa in ay tahay dana dhaqaale kadib markii ay ka dhega adeygeen in ay bixiyaan lacago laga doonayay oo ahaa kuwa maamulku uu dul dhigay.
Wali lama sheegin inta ay la egtahay lacagaha la weydiiyay hasa yeeshee waxaa la xaqiijiyay in dhamaan xabsiga loo taxaabay Masuuliyiinta mana jiraan shaqaale uu saameyay xariga saf-marka ah ee shirkadahaasi masuulyiintooda lagula kacay.
Si kasta Waxaana ku soo gudbin doonna wararkeenna danbe tafaasiisha ku aadan xariga masuuliyiinta shirkada ka howl gala Jowhar
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.