Dekada Kismaayo oo caawa la duqeeyay.

jiinka September 1, 2012 Comments Off
Dekada Kismaayo oo caawa la duqeeyay.

Sida ay sheegayaan warar aynu goor dhaw ka helnay magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose maraakiib dagaal oo laga leeyahay wadanka Kenya ayaa dhawr gantaal ku garaacay dekeda Kismayo.
Dad ku sugan gudaha magaalada Kismayo ayaa xaqiijiyay inay maqleen daryanka madaafiicda culus oo ku dhacaysa gudaha dekada waxaana wararku xusayaan in gantaalaha ku dhacay gudaha dekeda ay gaarayaan ilaa Sadex gantaal.
Ciidamada Al-Shabab ayaa lagu soo waramayaa inay xaafadaha magaalada Kismayo iyadoona dadku baqdin ka qabaan in banaanka u baxaan.
Dagaalyahanada Al-Shabab ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen dhanka badda.
Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta caawa ka dhacday dekeda Kismaayo.
Al-Shabab ayaa maanta magaaladaasi ku soo bandhigay meydadka 4 askari oo midkood Kenyan lagu sheegay kuwaasoo ku geeriyooday dagaalo ka dhacay duleedyada magaalada Kismayo

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.