Qarax Ka Dhacay Xarunta UNDP Ee M. Muqdisho

jiinka June 19, 2013 Comments Off
Qarax Ka Dhacay Xarunta UNDP Ee M. Muqdisho

Weerarka ismiidaaminta oo loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay bannaanka hore ee xarunta UNDP,

Kaddina ay guddaha u galeen afar ka mid ah kooxaha hubeysan, kuwasoo ay rasaas isweydaarsadeen ilaalada xarunta.

 

Qaraxyo ismiidaamin ayaa ka dhacay bannaanka hore ee xarunta, iyadoo goob-joogayaashu ay sheegeen in dabley aad u hubeysan ay gudaha u galeen xarunta, lana dagaalamayaan ilaalada.

 

Rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha xarunta, waxaana goobta gaaray ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku hareereeyey dhismaha.

 

Saacad kaddib Ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxay gudaha u galeen xarunta

 

Waxaana halkaa ku dhintay 15 qof oo ay ku jiraan raggii is miidaamiyey tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar isugu jiray isqarxin iyo rasaas toos ah oo maanta lagu qaadday

Xarunta hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta ee UNDP.

 

Qaar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ku sugnaa xarunta ayaa ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay badbaadiyeen waxaana la geeyay goob ammaan ah.

Waa weerarkii ugu horreeyey oo noociisa oo kale ah oo xarun ay Qaramada Midoobey ku leedahay Muqdisho lagu qaado.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.