Qoys Soomaaliyeed oo dhibaato ku habsatay magaalada Jeddah.

xeydar June 18, 2013 Comments Off
Qoys Soomaaliyeed oo dhibaato ku habsatay magaalada Jeddah.

Innaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun, Aaba Gaabow Ibraahim Xasan ayaa soo gaartay masiibo rabaani ah, iyadoo ay ka geeriyoodeen caruurtiisa oo dhan oo gaareysa shan caruur iyo habaryartood, kadib markii gurigii ay deganaayeen uu dab qabsaday, iyadoo Hooyada caruurta dhashay ay la ildaran tahay xanuun iyo Jab ka soo gaaray naxdintaasi, waxayna ku jirtaa cisbitaalka guud ee magaalada Jeddah.

Sii hayaha qunsuliyadda Soomaaliya ee magaalada Jeddah mudane Daahir Axmed Wehliye iyo shaqaalo ka tirsan qunsuliyadda ayaa ka qeyb galay aaskii loo sameeyay shanta caruur iyo habaryartood, waxaana uu qunsulku ugu deeqay aabe Gaabow Ibraahim Xasan 6000 (Lix kun oo Riyaalka Sacuudiga ah) sidoo kale waxaa uu balan qaaday inay qunsuliyadda ka bixineyso kirada guriga 6 bilood, sidoo kale waxaa uu balan qaaday agabka gudiga la dhigi lahaa, isagoo ugu baaqan dhamaan umadda Soomaaliyeed inay gargaar u fidiyaan aabaha gablamay ee ay dhibaatada ku habsatay.

Mudane Daahir Axmed Wehliye oo ah sii hayaha xilka qunsuliyada Soomaaliya ee magaalada Jeddah ayaa ka soo dhameeyay warqadihii lagu aasi lahaa caruurta iyo habaryartood oo ku xayirnaa xafiiska waaxda ciidamada dabdamiska, waxaana uu ka qeyb galay dhaqidii iyo aaskii marxuumyada.

Qabanqaabadii iyo aaskii shalay ka dhacay xaafadda Baab Makka ayaa ahaa mid ay ka soo qeyb galeen dadweyne Soomaaliyeed oo aad u fara badan, iyadoo uu jawigu ahaa mid cakiran, gaar ahaan qoyska ay masiibadu ku degtay, Cabdulcasiis Maxamuud Kulmiye oo kamida wariyayaasha Somalichannel oo ka qeyb galay aaskaasi ayaa ku tilmaamay mid murugo leh, wuxuuna inoo sheegay inay mideysay Soomaalida degan Baab Makka iyo agagaarkeeda.
INNAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.



Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir “diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com

Comments are closed.