Qarax miino ayaa lala beegsaday ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.
Xaafadda Qaraxa oo ka dhacay Via-Afmadow ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago.
Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa lala beegsaday Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee jooga magaalada Kismaayo.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa degmada iyo ciidamada AMISOM,
Mana jiraan wax warar ah o ka soo baxay saraakiisha ciidamada ee ku sugan magaalada kismaayo iyo maamulka ka jira magaalada.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.