Ciidamada Dowlada & Kuwa Amisom Oo La Wareegay Qeyb Gobolka Hiiraan Ka Tirsan

jiinka June 17, 2013 Comments Off
Ciidamada Dowlada & Kuwa Amisom Oo La Wareegay Qeyb Gobolka Hiiraan Ka Tirsan

Howlgallo ay si wadajir ah uga sameeyeen qeybo ka tirsan gobolka Hiiraan,Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa,

Waxa ay kula wareegeen deegaanno ka tirsan gobolkaasi oo ay horey ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

 

Ciidamada ayaa la wareegay deegaanka Baar iyo tuulooyin hoos yimaada halkaa oo ay mudooyinkii ugu danbeeyay dadka shacabka ah ku dhibaateynayeen Al-Shabaab.

 

Si nabdoon ayaa  Ciidamada saaka kula wareegay goobahaasi iyago Al-Shabaab iskaaga  cararay waxaana ciidamada si weeyn u soo dhaweeyay dadkii deganaa goobahaasi oo sheegay in ay mudo sugayeen inay arkaan ciidamo ka socda dowlada soomaaliya.

 

Taliyaha Ciidamada Militariga ee Gobolka Hiiraan Col Tawane Axmed gururey ayaa sheegay in ay kula kulmeen deegaanada ay saaka gacanta ku dhigeen dad badan oo u sheegay in Al-shabaab ay dhaceen xoolahoodii.

 

Col Tawane ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada inta xureynayaan guud ahaan gobolka Hiiraan.

 

Ciidamada Xooga dalka soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay ku doonayaan in guud ahaan gobolka Hiiraan ay ku soo celiyaan gacanta dowlada soomaaliya oo laga xureyo Al-shabaab.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.