Howlo Nadaaradeed Oo Ay Maanta Ka Socdaan Qeybo Ka Mid Ah Gobolka Banaadir[Sawiro]

jiinka June 17, 2013 Comments Off
Howlo Nadaaradeed Oo Ay Maanta Ka Socdaan Qeybo Ka Mid Ah Gobolka Banaadir[Sawiro]

Mas’uuliyiin ka titsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta kormeer ku tagay goobo badan oo ka soconayaan howlo nadaafadeed ee looga qaadayo qashinka yaala goobahaasi iyadoo dowlada hoose ee dalka Turkiga ay ugu deeqday dowlada hoose ee soomaaliya,

 

Haaman loogu tala galay in lagu shubo qashin kuwaa oo dowlada hoose ee soomaaliya ay dhigeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka banaadir

Sidoo kale Howlahan nadaafadeed ayaa waxa ay ka socdaan dhabarka dambe xarunta fisha governe iyo agagaarka masjidka arbaca rukun ee degmada xamar weyne.

 

Taas oo ay ka qeyb qaadanayeen cagaf cagafyo looga tala galay in lagu xaaqo qashinka iyo gaadiidka iska rogayaasha ee lagu daabulo qashinka.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale waxey kormeer ku tageen iskuulka finta unna October ee Degmada waaberi.

 

Halkaa soo ay yaaleen haamanka dowlada hoose ee Turkiga ay ugu deeqday dowlada hoose ee soomaaliya oo dadweynaha ay ku shubayeen qashinka ay ka keenaan xaafadahooda si loo ilaaliyo soo celinta bilicda magaalada muqdisho.

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.