Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho,isaga iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada maamulkaasi.
Ujeedada imaatinka madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ah sidii uu uga qeyb gali lahaa shirka wada tashiga ah oo loo qabanaya maamullada iyo aayaha shacbaka gobolada dhexe ee Soomaaliya .
C/qeybdiid oo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho saxaafada kula hadlay ayaa wuxuu sheegay in ujeedka Magaalada Muqdisho uu uyimid ay tahay ka qeybgalka shir ka dhacay Magaalada.
Isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ka qeyb galka shirkan oo ah mid muhiim ah gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya,oo ay isugu imaanayaan madaxda Gobaladaasi
Hay’adda CRD ayaa qabanayso shirkan,iyadoo Dowladda Soomaaliyana ay kasoo qeybgalayso,waxaana C/qeydbiid uu sheegay in muhiimada ay tahay kaliya ka qeybgalka shirkaasi.
Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka mujiyey in natiijooyin wax ku ool u ah shacabka gobollada dhexe ay ka soo bixi doonaan shirka ka dhacay magaalada muqdisho.
Shirkaan ayaa waxaa qabanaysa hay’adda CRD iyadoo looga hadlayo arimaha Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.