Wafuud isugu jirto wasiirro iyo aqoonyahano ka kala socda maamulladda Galmudug,Puntland iyo kuwo kale oo ka yimid dalka dibadiisa ayaa maanta soo gaaray magaalada muqdisho.
Ergadan ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan shirka heerka qaran ee dib u habeynta waxbarasho dalkeena ayaa waxaa soo dhaweeyay wasiirka wasaaradda hormarinta adeega bulshada xukuumadda soomaaliya Drs Maryam Qaasim Axmed.
Wasiirka waxbarashada ee Maamulka puntland Cabdi Faarax Juxa oo hogaaminayay wafdiga ka socday Maamulkaasi ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay ka soo qeyb galka shirkan muhiimka u ah waxbarashada dalka. waxana uu ka mahad celiyay soo dhaweeynta loo sameeyay.
Wasiirka waxbarashada Maamulka Galmudug Maxamed C/Qaadir Xaashi ayaa isna sheegay in ay ka muumul ahaan ku faraxsanyihiin marti qaadka lagu marti qaaday shirka weynaha qaran ee looga hadlayo waxbarashada dalkeena soomaaliya,
Isagoo sheegay in burburkii dalka ka dib aan laga wada hadlin wax ka qabashada manaahijta waxbarashada dalka.
Ugu danbeeyntii wasiirka hormarinta adeega bulshada ee xukuumadda soomaaliya Drs Maryam Qaasim Axmed ayaa wafuudan uga mahad celisay sida ay u aqbaleen baaqii ay u dirtay dowlada soomaaliya oo ahaa ka soo qeyb galka shirweynaha qaran ee looga hadlayo arrimaha waxbarashada ee dalkeena,
Iyadoo sheegtay in maanta ay muqdisho soo gaareen ergadii ugu badneed ee ka qeyb galeeysa shirkaasi.
Wasiirka hormarinta adeega bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed ayaa ergada maanta timid u sameeysay qado sharaf ay ku soo dhaweeyneeysay.
Waxaa sidoo kale maanta magaalada muqdisho soo gaaray wafuud ka kala timid qurbaha oo ay ku jiraan aqoonyahanno iyo ergooyin ka kala yimid guud ahana gobollada dalka soomaaliya.
Shirweynaha qaran ee looga hadlayo dib u habeynta waxbarashada dalka ayaa la filayaa 18ka bishan uu ka furmo magaalada Muqdisho.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.