Biyo Galinta Muqdisho Oo Khartuum Lagu Soo Gab-Babeeyay

jiinka June 15, 2013 Comments Off
Biyo Galinta Muqdisho Oo Khartuum Lagu Soo Gab-Babeeyay

Aqoon iswaydaarsigaan oo ay fulintiisa iska kaashadeen Wasaarada Khayraadka Dalka ee Soomaaliya,

Wasaarada Khayraadka Biyaha ee Dowladda Sudan iyo Bankiga Horumarinta Islaamka ayaa waxa looga hadlay sidii loosoo bandhigi laha Istaraatiijada Biyo galineed ee Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

 

Aqoon iswaydaarsigaan ayaa waxa ay Khubaro Ka socda Dowladda aan walaalaha nahay ee Sudan oo dhawaan Magaalada Muqdisho Diraasad Dhanka biyo galinta ah kasoo sameeyay ayaa soo bandhigay waxii ay magaalada muqdisho kusoo arkeen.

 

Xubnaha ka socday Wasaarada Khayraadka oo kala ahaa Nasrudiin Raage Cali, Jaabir Cali Xasan iyo Axmed Cabdi Kariin iyo Xubno kale oo ka socday Wasaarada Maaliyadda.

Waxaana lagu soo bandhigay Qorshe Istaraatiiji ah oo lagu biyo galin karo Magaalada Muqdisho Sanadaha Soo socda.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.