Howlgalo Dad lagu sooqabqabatay oo ka dhacay Marka.

jiinka September 1, 2012 Comments Off
Howlgalo Dad lagu sooqabqabatay oo ka dhacay Marka.

Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa faah fahin ka bixiyay howlgalo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose.
Guddoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ee dowladda Axmed Cumar Mudane oo la hadlay Warbaainta Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in howlgalada ay yihiin kuwa socdo oo laba qeybood ah.


” Howlgalka aan ka sameynaya gudaha Magaalada Marka waxan kusoo qab qabanay dad qas wadayaal ah oo ka tirsan Al Shabaab, marka howlgallada way sii socon doonaan” sidaasi waxa yiri guddoomiye ku xiggeenka.
Isaga oo hadalkiisa siiwata ayuu sheegay in shacabka reer Marka looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan sidii looga shaqeyn lahaa ammaanka Magaalada Marka.
Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ugu baaqay dhalinyarada kujira Ururka Al-Shabaab inay isu soo dhiibaan dowladda Soomaaliya islamarkaana ay ka qeyb ka noqdaan sidii loo sugi lahaa ammaanka dalka.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM ayaa dhawaan la wareegay gacan ku haynta Magaalada Marka halkaasi oo ay kala wareegeen Ururka Al-Shabaab.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.