Midowga Afrika Horumarka Ay Ka Wado Soomaaliya Oo Qm Sheegtay Inay Kala Shaqeynayso

jiinka June 14, 2013 Comments Off
Midowga Afrika Horumarka Ay Ka Wado Soomaaliya Oo Qm Sheegtay Inay Kala Shaqeynayso

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Muun oo ka hadlayay xaalada Soomaaliya ayaa sheegay in Nabadgalyada Soomaaliya ay ka qeyb qaadanayaan wadamo badan oo daris la ah Soomaaliya.

 

Wuxuu Banki Muun ku amaanay door weyn ka cayaarista dowlada Uganda oo ka mid ah dowladaha ciidamadooda ku deeqay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan ururka Al-shabaab.

“Ciidamada Uganda waxay qeyb weyn ka gesyteen xasilinta dalka Soomaaliya,waana arin geesinimo leh,waxaana arintaasi ku amaanayaa Madaxweyne Muzavani oo si hagar la’aan ah u taageeray Soomaaliya,ayuu Yiri Mr Banki Muun.

 

Sidoo kale Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Muun ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay xoojiyaan taageerada ay siinayaan xukuumada iyo shacabka Soomaaliya,

Isagoona tilmaamay in howlgalada ay sii socon doonaan tan iyo inta Soomaaliya laga dareemayo Nabad la isku haleyn karo.

 

Ciidamo ka socda dalka Uganda ayaa hada waxay ka howlgalayaan Soomaaliya iyagoo kaabaya ciidamo kale oo AMISOM ka tirsan oo ku sugan Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Muzavani ayaa horay u sheegay inuu sii wadi doono Caawinaada ay siinayaan Soomaaliya.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

 

Comments are closed.