Heshiiskii IGAD Oo Loo Marayo Colaada Xalinta Kismaayo

jiinka June 12, 2013 Comments Off
Heshiiskii IGAD Oo Loo Marayo Colaada Xalinta Kismaayo

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in xalinta Colaadaha ka taagan Gobalada Jubbooyinka loo marayo heshiiskii IGAD ee ku aadanaa arimaha Jubbooyinka.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka hadlaye arimaha Jubbooyinka ayaa sheegay in xalinta khilaafaadka Jubbooyinka xukuumadda ay umarayso heshiiskii IGAD ee Adis Ababa.

 

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in dhisada maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka loo marayo hab ay kuwada qanacsan yihiin dhamaan beelaha wada daga Gobalada Jubbooyinka.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan magaalada Muqdisho ku qabanaysa shirka looga hadlayo arimaha Jubbooyinka oo la isugu keenayo dhamaan qabaa’ilaadka wada daga Jubbooyinka.

 

Maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay ku noqotay caqabad ballaaran oo ay ka gudbi weyso muddo ilaa dowlado shisheeye ay faragelin ku sameeyee.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

 

Comments are closed.