Qorshe Taleefoonada Shaqsiyaadka Lagu Dhageysanayo Oo Wado Xukuumada

jiinka June 12, 2013 Comments Off
Qorshe Taleefoonada Shaqsiyaadka Lagu Dhageysanayo Oo Wado Xukuumada

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay wado qorshe lagu hirgelinayo hab Dowladda laamaheeda amniga usahlaya dhageysiga taleefoonada gacanta ee ay isticmaalaan shaqsiyaad gaar ah.

 

Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Soomaaliya oo ka horhadlaye Baarlamaanka Soomaaliya hortiisa ayaa sheegay in Xukuumadda ay wado qorshe taleefoonada lagu dhageysanayo.

 

“Si loo kashifo (Network) in hay’adaha amniga loo siin karo fasax inay dhageysan karaan taleefoonadaas,

 

Laakiin dhinaca kale waxaan qabaa in iyadoo amniga guud ee dalka iyo amniga guud ee qaranka lasugayo in la fasaxo xaalado gaar ah oo shuruudo gaar ah lagu fasaxayo,iyadoo la dhageysanayo taleefoon ashqaas gaar ah ay wataan”Ayuu yiri Wasiirka arimaha gudaha.

 

Wasiirka ayaa sheegay in todobaadka soo socda Golaha Wasiirada uu horgeyn doono sharciyada ay ku shaqeeyaan laamaha ammaanka dalka.

Qorshan cusub ayaa ah kii ugu horeeyay ee dowladda Soomaaliya ay sheegto inay hirgelinayso,hadii ay ansixiyaan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

 

Comments are closed.