Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha,Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa maanta laga talaalay cudurka dabeysha kadib munaasabad looga hadlaye ciribtirka cudurkaan oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Munaasabad ay soo diyaariyeen Wasaaradda Arrimaha Bulshada ayaa maanta lagu qabtay Madaxtooyada oo lagu xoojinayo muhiimadda tallaalka Dabeysha oo Soomaaliya ay ka mid noqotay 4ta waddan ee Adduunka laga helay cudurka dilaaga ah ee Dabeysha.
Wasiirka adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Drs Maryan Qaasim ayaa ka hadashay dhibaatooyinka uu leeyahay cudurka dabeysha iyo sida dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay uga hortagaan.
Waxeyna ku celcelisay muhiimadda tallaalka oo ka hortag u noqonaya cudurkan halista ah oo naafeeya shaqsiga uu ku dhaco.
Waxey sheegtey in cudurkan uu carruurta ku dhici jirey, laakin la helay 13jir uu ku dhacay oo keentay in dhammaan dadka waaweyn ay iyagana iska tallaalaan cudurkan halista ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in afar milyan oo qof Soomaali ah lix maalin gudahooda looga talaalayo cudurka dabeysha.
Madaxweynaha ayaa yir “Aniga ayaa bilaabaya tallaalka si aan shacabka u tusno in tallaalku uu faa’iido yahay oo aan wax dhib ah keeneynin isla markaana badbaadin kara in cudurka halista ah ee Dabeesha ay ku dhacdo qofka.
Cudurkan halista ah ee Dabeesha ka hortag buu leeyahay oo ma laha daawo, tallaalkii aan uga hortagi laheyna waa naloo keenay ee aan u midowno inaan is wada tallaalno, ugana mahadcelino beesha caalamka iyo QM oo noo keenay tallaalkii ka hortagga cudurka Dabeesha.”
Cudurka dabeysha oo ah cudur Qatar ah ayaa Soomaaliya waxaa ugu dambeysay 2007,iyadoo iminka uu soo shaacbaxay cudurkaan.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.