Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxay kaga hadleen horumarada ugu muhiimsanaa ee uu ka gaaray intii uu xafiiska joogay Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Augostin Mahiiga kaasi oo maalintii shalay laga sagootiyay Magaalada Muqdisho.
Wasaarada arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegey in dowlada Mareykanka y si buuxda u taageersantahay howlgalka iyo qorshaha cusub ee Jimciyaa Qurumaha ka dhexeysa ay ka waddo Soomaaliya.
Inkastoo horumaro laga gaaray hadana waxay sheegeen in wali ay jiraan qataraha dhanka amaanka ee Al-shabaab,waxayna tusaale u soo qaateen weerarada ka dhaca Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya.
Qoraalkan ka soo baxay waxda warfaafinta ee wasaarada arimaha dibadda ee dowlada Mareykanak ayaa lagu cadeeyay in xukumada Washington ay ku faraxsantahay isbedelka lagu sameeyay howlgalka siyaasadeed qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Danjiraha cusub oo ay u magacawday Soomaaliya.
Golaha ammaanka ayaa ugu baaqay inay sii laba jibaaraan dagaalada ay kala soo horjeedaan Al-shabaab,islamarkaana gaaraan deegaanada hada ay ku harsan yihiin.
‘’Waxan ugu mahad celinaynaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, AMISOM iyo militariga Ethiopia sida geesinimada leh oo ay naftooda ugu hurayaan bad badinta shacabka Somalia, ayna ka mira dhaliyeen mustaqbal ifaaya oo Somali yeelato’’ ayaa lagu yiri bayaan ka ay soo saartay wasaarada Arimaha dibadda ee xukumada Washington.
Sidoo kale amaan u jeediyeen siday wax u socdaan,waxayna si gaar ah hambalyo ugu direen ciidamada AMISOM sabab la xariirta horumarada ay ka sameynayaan howlgalada Soomaaliya sida warsaxaafadeedka lagu sheegay.
Mareykanka aya sheegey in uu aaminsanyahay in weli ay dhimanyihiin howlo adag, taasi oo ah in meesha laga saaro dhibatada ay bulshada ku hayaan Al- Shabaab .
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.