Wafdi ka kala socda Wasaarada adeega Bulshada iyo xubno ka socda Midowga Afrika ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho,iyaga oo shir uga soo qeybgali doona Magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Ujeedka wafdigan ayaa waxa ay tahay ka qeybgalka shir looga hadlayo siyaasada sinaanta raga iyo dumarka,kaasi oo ka dhacaya dalka Uganda gaar ahaan magaalada kampala.
Agaasimaha Wasaarada adeega Bulshada gaar ahaan qeybta haweenka Maxamed Cumar oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa,wuxuu sheegay in ujeedka uu yahay ka qeybgalka shirka sinaanta siyaasada raga iyo dumarka.
Shirkaan ka dhacaya Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa qaban qaabadiisa waxaa iska kaashaday AMISOM iyo Wasaarada adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya.
Haji Rambi oo ah madaxa siyaasada xafiiska Midowga Afrika ayaa dhankiisa sheegay in xubnahan ka tirsan Wasaarada adeega Bulshada ay ka qeybgali doonaan shirka siyaasada sinaanta raga iyo dumarka ee ka dhacaya Kampala halkaasi oo ay isugu imaan doonaan xubno kale oo ka socda caalamka.
Waa shirkii ugu horeeyay ee looga hadlayo siyaasada sinaanta raga iyo dumarka oo lagu qabto Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayna ka qeybgalaan xubno ka tirsan Wasaarada adeega Bulshada.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.