Xaflada balaaran oo lagu sagootinayay ergeygii QM ee waqtigiisu dhamaaday Augastin Mahiga ayaa maanta waxa ay ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Munaasabada oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo uu goob joog ka ahaa madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa loogu tala galay sagoontinta u qeybsamihii QM ee arimaha Soomaaliya.
Ambassador Augastin Mahiga oo xafiiskii uu ku howlgeli jiray imika loo badelay in uu ku shaqeeyo magaca UNSOM.
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo madasha ku gudoonsiiyay Mr. Mahiga hadiyad ka ka tarjumeysay hadiha iyo dhaqanka Soomaliyeed iyo shahaado sharaf lagu muujinayay wax qabadkii intii uu ka shaqeynayay arimaha Soomaaliya ayaa xusay,
In Mahiga uu yahay shaqsi in badan oo kamid ah Soomalaida ay ku xasuusan doonaan ka gudubkii xiligii KMG ahaa iyo ka shaqeynta arimaha dastuurka sida uu madaxweynuhu sheegay.
Ambassador Augastin Mahiga oo xiligii uu madasha ka hadlayay muujiyay qiiro ayaa sheegay in uusan marnaba ilaabin doonin qeybaha kala duwan ee Soomaalida intii uu ka howlgalayay Soomaaliya,
Isaga oo si gaar ah ugu mahad celiyay dadkii kala soo shaqeeyay arimaha Soomaaliya.
Ambassador Augastin Mahiga oo mudo sadex sano QM u qaabilsanaa xafiiskii UNPOS ee arimaha Soomaaliya ayaa imika waxaa badelay Necolas Kay oo QM uga shaqeyn doona xafiiska cusub ee UNSOM.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.