Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo dhawaan tababar ugu soo dhamaaday xarunta Generaal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho oo ciidanka Booliiska Soomaaliyeed lagu tababaro ayaa maanta waxa ay dhoolatus kusoo bandhigeen barxada sayidka ee Magaalada Muqdisho.
Dhoola tuska Ciidamadan oo ah kuwa gaar ah oo loo diyaariyay Sugidda Amaanka Magaalada Muqdisho,
Ciidankaan oo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa loo yaqaan Gurmadka ayaa dhoolatuska ay soo bandhigayeen waxaa daawanaye taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed,Wasiirka arimaha gudaha iyo xubno kale oo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Waxaa loo diyaariyay sida iyagoo ku sugan saldhigyadooda ka dib waxaa dhacay Qarax, kaas si mala awaal ah Qeebna ka ahaa dhola tuska,
Dhawaqa qaraxyada ciidanka ay fashilinayeen ee nooca faalsada ah ayaa laga maqlaye Magaalada Muqdisho,iyadoo intaasi kadib ciidanka sameynayeen daadgureynta dad matalaad ahaa oo qaraxa ku dhaawacmay,kuna qaadaye Gaadiidka Gurmadka Deg Degga ah nooca Ambalaaska oo ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay isticmaalaan.
Ciidamada ayaa sidoo kale soo bandhigay sida loo baaro dambiyada dhaca,iyo sidii loo soo bandhigo waxyaabaha ka soo baxa baaritaanada ay sameeyaan ciidamaad.
Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Generaal C/xakiim Saciid Saacid oo goobta dhoolatuska ciidanka ay ku sameynayeen ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka ciidankan dhoolatuska ay usameynayeen ay tahay soo bandhigida tababarkii ay soo qaateen.
Ugu danbeyn taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed jGen C/Xakiin daahir saacid ayaa balan qaday in amniga ay sii hormari donaan isagoo ugu baaqay shacabka in ay la shaqeyaan ciidanka booliska.
Dowladda Soomaaliya ayaa iminka ku dadaalaysa dib udhiska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed,si loo helo ciidan asluubeysan kana dhisan dhanwaliba oo askari looga baahan yahay.
cumar c/rashiid
cumarrrashid@gmail.com
Comments are closed.