IFTIINKA CANEYKISH, iyo IFTIN STARS oo u soo baxay Cayaarta kama dambeysta Tartanka Koobka SULEYMAAN COLAAD ROOBLE.[sawiro]

jiinka June 9, 2013 Comments Off
IFTIINKA CANEYKISH, iyo IFTIN STARS oo u soo baxay Cayaarta kama dambeysta Tartanka Koobka SULEYMAAN COLAAD ROOBLE.[sawiro]

IFTIINKA CANEYKISH, iyo IFTIN STARS oo Finalka u soo baxay Tartanka Koobka SULEYMAAN COLAAD ROOBLE.

 

Ciyaaro ka tirsanaa tartanka Koobka SULEYMAAN COLAAD ROOBLE ayaa maanta iyo Jimcihii hore ka dhacay garoonka Altaraji ee xaafada Sharafiyah, iyadoo ay iswada arkeen kooxaha:
Iftin Stars Vs Azuura, iyo Iftiinka Caneykish Vs. SYL.

 
Kooxaha Iftin iyo Azuura ayaa jimcihii ciyaar xiiso badan ku dhexmartay garoonka Cabaadi iyadoo ay ahayd kalabax loogu soo gudbayey Final, ayaa waxaa ay labada kooxood la soo shirtageen ciyaaro xirfado iyo xeelado cusub wadatay.

 

Kooxda Iftin Stars ayaa dardar xoogan kusoo gashay garoonka waxay qeybtii hore ee ciyaarta ku hogaaminaysay 1 – 0, haseyeeshee kooxda Azuura oo looga bartay ciyaar adag inay lasoo baxo gelinka dambe ayaa muujisay isku dheelitirnaan wanaagsan, waxayna u jilba laabeen ciyaarta, iyagoo goolal fara badan lumiyay, taasi oo ay ka shalayn doonaan ciyaartoyda reer Azuura.

 

Waxay ciyaartu socotaba waxay labada kooxood isla mari waayeen gelinkii dambe ee ciyaarta 0 – 0, iyadoo gelinkii hore ee ciyaarta ay Iftin Stars Gool ku keeneen Azuura, taasina waxay kooxda Iftin Stars u suura gelisay inay u soo baxdo finalka tartanka Koobka marxuum Suleymaan Colaad Rooble .

 

Ciyaar isla tartankaas ah ayaa Jimcihii ka horeeyay ku dhexmartay garoonka Altaraji kooxaha Iftiinka Caneykish iyo SYL.

 

Ciyaar weerar iyo weerar celis ah ayey kusoo galeen, iyadoo koox walba ay ku dadaaleysay inay gool kaga hormarto kooxda kale, haseyeeshee difaacyada labada naadi ayaa ku guuleystay inay joojiyaan weerarada halista ah. waxayna qeybtii hore ee ciyaarta kusoo gabagabowday 3 – 0 oo ay kooxda Iftiinka Caneykish ugu awood sheegatay.

 

Gelinkii dambe ee ciyaarta ayaa waxay kooxda SYL ku hormartay Gool wanaagsan oo niyada u dejiyay, laakiin 10 daqiiqo kadib waxaa arinkaasi u diiday ciyaartoyda Iftiinka Caneykish oo maanta ahaa kuwo usoo jeeda inay hantaan dhibcaha ciyaarta, waxayna haleeleen shabaqa goolhayaha SYL daqiiqadii 37-aad ee gelinka dambe, waxayna ciyaarta socotaba kusoo dhamaatay 4 – 1 oo ay Iftiinka Caneykish ku guuleysatay.

 

Waxaa isugu soo baxay ciyaarta kama dambeysta tartanka Koobka Marxuum SULEYMAAN COLAAD ROOBLE kooxaha Iftiinka Caneykish, iyo Iftin Stars, waxayna ku ciyaari doonaan Jimcaha soo socda hadii eebe idmo garoonka ALTARAJI.

 

Mohamoud Sh. Abdulkadir “diyeeshe”
diyeeshe@hotmail.com

Comments are closed.