Dibad-Bax Ballaaran Oo Ka Biloowday Muqdisho

jiinka June 9, 2013 Comments Off
Dibad-Bax Ballaaran Oo Ka Biloowday Muqdisho

Banaanbax ballaaran ayaa ka biloowday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka,kaasi oo looga soo horjeedo dilalka Soomaalida loogu geesto dalka South Afrika.

Mas’uuliyiinta Gobolka Banadir,Fanaaniin iyo waxaa ka soo qeyb galay  dadweeyne ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banadir.

 

Wuxuu hada banaanbaxa ka socda Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo arday iyo sidoo kale shacab badan ay isugu soo baxeen.

 

Gudomiyaha Degmada Xamarwyne Ibraahim Sahal Gardhuub oo ku hadlayay magcaga Gudomiyasha 17ka degmo ee Gobolka Banadir ayaa shacabka soomaaliyeed uga mahadceliyay,

 

Ujeedka ayaa ah ka dhiidhinta dhibaatooyinka Soomaalida loogu geesto dalka South Afrika,waxaana hooyooyin badan ay ku qeylinayaan erayo ka dhan ah Dowladda South Afrika.

Sida ay uga gubteen dhibatada konfur Africa loogu geeysanayo shacabka soomaaliyeed dhibatada koofur afrika dadkedu ay u geysteen soomaalidda ku nol dalkaasi.

Waxaa ka qeybgalaya ardayda Jaamacadaha Muqdisho qaarkood oo muujinaya inay aad uga xun yihiin dhibaatooyinka loo geesto walaalaheena Soomaaliyeed ee South Afrika ku nool.
Tarsan ayaa tilmaamay in waxa ka dhacaya Koofur afrika ay yihiin wax aan loo dul qaadan Karin.

 

Tan iyo markii ay sii kordheen dhibaatooyinka Soomaalida South Afrika loogu geesto ayaa waxaa meelo badan oo kamid ah caalamka ka dhacaye banaanbaxyo looga soo horjeedo dilalka Soomaalida loogu geesto dalkaasi South Afrika.

 

Gudomiyaha iyo dhamaan dadkii shacabka ahaa ee ka qeyb galay dibadbaxa ayaa ugu baaqay dadka soomaaliyed ee ku nool koofur afrika in ay dib ugu soo laabatan dalkooda.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.