Dagaalada Kismaayo Oo Midowga Afrika Ku Baaqay Inay Joojiyaan Ay Nabada Ka Shaqeyaan

jiinka June 9, 2013 Comments Off
Dagaalada Kismaayo Oo Midowga Afrika Ku Baaqay Inay Joojiyaan Ay Nabada Ka Shaqeyaan

Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo beesha caalamka waxay ku hayaan xaalada Murugsan ee ka taagan Magaalada Kismaayo,

Waxaana la jeedinayay baaqyo ku aadan in la joojiyo dhiiga shacabka ee ku daadanaya Magaaladaasi oo dhinacyo hubeysan ay isku fara saareen.

 

Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa ahna gudoomiyaha howlgallka AMISOM ee Soomaaliya Mahamat Saleh Annadif oo war saxaafadeed Soo saaray ayaa ku sheegay in iminka loo baahneyn horseedida dhibaato hogaamiseysa bur bur mar kale gala dalka Soo kabsanaya,

 

Isagoona ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaboojiyo xiisadaha ka aloosan magaala Xeebeedka Kismaayo.

“Dagaalka Soomaaliya waa uu dhamaaday,waxa hada la sugayo waa nabad ay ku naaloodaan shacabka daruufaha ka soo gudbay,

 

Waxaa haboonaan lahayd in si sharuud la’aan ah ku joojiyaan dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo,ayuu ku sheegay warsaxaafadeedkiisa Mr Annadif.

 

Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya in Shacabka Soomaaliyeed iyo hogamiyaal qabaa’ileedka ay waajib ku tahay inay ka shaqeeyaan Nabada,islamarkaana ay ku gacan siiyaan ciidamada AMISOM dadaalada ka wadaan gayiga Soomaaliya.

 

Mr Anadif ayaa fursad ku tilmaamay caawinaada laga helay ciidamada Africaanta,isagoona ku baaqay in laga faa’ideysto lana jooyio muran siyaasadeedka ka dhaxeeya hogaamiyaasha ku dhisan qaabka qabaa’ilka.

 

Labadii maalin ee u danbeysay xaalada kismaayo waa ay cakirneyd,waxa ka taagan xiisado dagaal oo u dhaxeeya hogaamiyaal midba sheeganaya inuu yahay Madaxweynaha maamulka Jubba Lanad.

Natiijada iyo mira dhalka labada dhinac dagaalada ay ka heleen waxay tahay dhaawc iyo dhimasho soo gaaray dad rayid ah iyo askartii dagaalamaya.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrrashid@gmail.com

Comments are closed.