Wasiirada Midowga Yurub iyo kuwa Africa ayaa maalintii shalay ku kulmay Magaalada Brussels ee dalka Belgiumka,iyagoona kulankaasi kaga hadlayay sidii heshiisyo cusub ee dhanka horumarinta ay gaareen wadamada Qaarada Africa iyo Midowga Yurub .
Heshiiskaan cusub ayaa Soomaaliya u ogalaanaya in baal cusub uu u furmay Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ku aadan sidii caawinaad hor leh loo siin lahaa Soomaaliya iyo Sidii Soomaaliya kaga soo muuqan lahayd xubnaha beesha caalamka.
Wasiirka horumarka iyo ganacsiga dalka Irland Joe Costello ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay si wanaagsan u macaamili doonaan,
Islamarkaana qeyb ka yihiin dib u dhiska wadanka burburka ka soo kabsanaya ee 22-kii sano ee u danbeysay dagaalo ku soo jiray,Joe Costello ayaa ahaa Madaxda shir gudoominta kulanka wasiirada Midowga Yurub iyo wasiirada Africa.
Dhanka kale wasiiradii Africa ee ka qeyb galay shirka ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiska cusub ee ay wada gaareen Soomaaliya iyo Midowga Yurub,
Waxayna ku tilmaameen talaabo cusub oo lagu doonayo in horay loogu dhaqaajiyo Nabada Soomaaliya.
“Soomaaliya waxay ka faaii’deysan doontaa heshiiskaan cusub”ayuu ka sheegay kulanka wasiirka arimaha dibada dalka Botswana Phandu Skelemani.
Ambasador Nuur Xasan Xuseen Nur Cadde ayaa dhankiisa tilmaamay in Heshiiskaan cusub la doonayo in Soomaaliya ay u xaarto wado cusub oo dhanka hormarka tilmaama,isagoona carabka ku adkeeyay in Somaaliya arintaan ka faa’ideysan doonaan.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.