Dagaal Kismaayo Maanta Mar Kale Ka Dhacay

jiinka June 8, 2013 Comments Off
Dagaal Kismaayo Maanta Mar Kale Ka Dhacay

Maanta dagaal mar kale ka qarxay magaalada Kismaayo una dhaxeeyay dhinacyadii shalay magaaladaasi ku dagaalamay ayaa la sheegayaa in uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah.

 

Dagaalka oo la sheegay in uu ka bilowday goobihii shalay ciidamadu ay isku food saareen ayaa ku baahay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo,

Ayadoona lagu soo waramayo in xaalada magaalada ay imika yara degen tahay wallow mar weliba la filan karo dagaal.

 

ilaa iyo imika waxaa la xaqiijiyay geerida 7 ruux iyo dhaawac fara badan oo dhinacyadii dagaalamay iyo shacbba isugu jira.

 

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa imika waxa ay tahay mid jahawareersan dadkuna ay yihiin kuwa guryaha isku celinaya oo baqdin ka qaba in mar kale fooda lays daro, waxaana magaalada ka xaniban isu socodka gaadiidka iyo daweynaha.

 

Marka laga reebo baaqyo loo dirayo dhinacyada dagaalamaya ayaa waxaanan ilaa imika jirin waan waan lagu dejinayo xiisada Kismaayo ka taagan, aydoona mar weliba la filan karo dagaal mar kale qarxa.

 

cumar c/rashiid
cumarrrashid@gmail.com

Comments are closed.