Dowlada Shiinaha ayaa qamiistii shalay ugu yeertay qaramada midoobay iyo hayada caalamiga inay sii wadaan ka ciyaarida doorka lagu taageerayo horumarinta nabada dalka Soomaaliya.
Li Baodong, wakiilka joogtada Shiinaha ee Qaramada Midoobay, ayaa ka sheegay furitaanka kulanka golaha amaanka oo looga hadlayay arimo ay kamid ahaayeen xaalada Soomaaliya in loo baahan taageerada dowlada Soomaaliya laga siinayo dhanka amaanka.
“Waxaan taageeraynaa dowlada cusub ee Soomaaliya si ay u hergeliso dastuurka KMG, ayna ka shaqeyso lix qodob ee muhiim ah ee qorshaha dowlada, baaxadeynta awooda dastuurka iyo weyneynta awooda dowlada ee dhulka oo idil” ayuu yiri wakiilka joogtada ee Shiinaha ee QM.
Mr Li, ayaa dhanka kale sheegay in dib u hishiisiin qaran oo ay yeeshaan dhinacyada Soomaalida, ay tahay wadada kaliya ee lagu dhisi karo qaranimada Soomaaliya iyo nabad ka dhalata dalka,
Wuxuuna ugu baaqay qeybaha kala duwan ee dalka, inay joojiyaan dhibaatooyinka islamarkaana ay u midoobaan wadada nabada, si xaalada ay ugu soo laabato sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan.
“Waxaan rajaynaynaa in qeybaha Soomaaliya, ay u midoobi doonaan abuuritaanka nabadeyn qaran oo wanaagsan iyo horumar ayna wada shaqeyn doonaan,
Kala duwanaanshahoodana ay isugu imaan doonaan wadahadal iyo dhowrida nabada qaranka iyo ka shaqeynta dhaqaalaha iyo haroumarka bulshada”ayuu hadalkiisa kusii daray Li Baodong.
Dhanka kale Mr Li Baodong, ayaa wuxuu wax wanaagsan ku tilmaamay dadaalada ay wadaan ciidamada midowga Africa iyo urur gobaleedka IGAD iyo ururada kale ee ka dhisan qaarada Africa.
Wuxuu ugu dambeyn qaramaa midoobay iyo hayadaha caalamiga ugu baaqay inay sii wadaan dadaalada lagu taageerayo dowlada Soomaaliya iyo kordhinta gargaarka dhanka dhaqaalaha ee la siinayo AMISOM.
cumar c/rashiid
cumarrrashid@gmail.com
Comments are closed.