Dibad-Bax Oo Ay Dhigayaan Soomaalida Halkaasi Dhibaatada Ku Heysato Konfur Afrika

jiinka June 7, 2013 Comments Off
Dibad-Bax Oo Ay Dhigayaan Soomaalida Halkaasi Dhibaatada Ku Heysato Konfur Afrika

Cabashooyin iyo dibadbax balaaran oo lagaga cabanayo dilalka loo geysanayo Soomaalida ku nool dalkaasi South Africa ayaa ka socda gobolka Eastren Cape ee dalkaasi.

 

In ka badan Lix Boqol oo Soomaali ah ayaa aroornimadii hore ee saaka dibadbax balaaran ka dhigay dalka South Afrika,

Kaas oo lagaga cabanayo dilalka iyo xadgudubyada sii kordhaya oo loo geysanayo Soomaalida ku nool dalkaasi.

 

Dibadbaxayaasha ayaa wata boorar iyo halku dhigyo ay kaga cabanayaan dhilalka loo geysanayo Soomaalidai, iyagoo ku qeylinayay ereyo ay dowlada dalkaasi kaga dalbanayaan iney wax ka qabato amaankooda.

 

Dadka dibadbaxayaasha ah ayaa la filayaa ineey waraaq cabasho ah u gudbinaya mas’uuliyiinta dowlada South Africa ee ku sugan gobolkaasi.

 

Dibadbaxni ayaa imaanaya xilli habeenkii xalay Laba wiil oo Soomaali ah baangad lagu jarjaray iyadoo maalmihii ugu dambeysay ay sii kordhayeen tacadiyada iyo dilalka loo heysanayay Soomaalida ku nool dalkaasi Koofur Afrika.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrahid@gmail.com

Comments are closed.