Magaalada Gaal-Kacyo Oo Ka Dhacay Dagaal U Dhaxeeya Maleeshiyo Beeleed

jiinka June 6, 2013 Comments Off
Magaalada Gaal-Kacyo Oo Ka Dhacay Dagaal U Dhaxeeya Maleeshiyo Beeleed

Gobalka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan inuu halkaasi ka dhacay dagaal beeleed udhaxeeya labo beelood oo halkaasi wada daga.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyo beeleed duleedka Magaalada Gaalkacyo wada daga ay ku dagaalameen dhul halkaasi ku yaala.

 

Dadka deegaanka qaarkood oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu dhacay saaka ayna ku geeriyoodeen ilaa labo ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah.

Maamulka Puntland ayaan ka hadlin weli dagaalkaan maadaama dagaalka uu ka dhacay waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo ay maamulaan Maamulka Puntland.

 

Inta badan magaalada Gaalkacyo iyo deeganada ku xeeran ayaa dagaalada ka dhaca waxa ay yihiin kuwa ku saleysan qabiil iyo dhulal.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.