Qarax Lagula Eegtay Ciidamada Amisom Degmada Kaxda

jiinka June 6, 2013 Comments Off
Qarax Lagula Eegtay Ciidamada Amisom Degmada Kaxda

Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu maanta ka dhacay qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ah taasi oo lala eegtay gaadiid AMISOM oo maraye halkaasi.

 

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in noociisa uu ahaa midka dhulka lagu aaso iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

 

Saxafu ku sugan Degmada Kaxda ayaa wuxuu sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo shacab ah kuwaasi oo ka agdhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay.

 

Majiro dhimasho la xaqiijiyay oo ka dhashay qaraxaasi sidoo kalena lama soo sheegin in askarta AMISOM qaraxaasi uu khasaaro kasoo gaaray.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda C/wali Yuusuf oo ay saxaafada la xiriirtay ayaa sheegay inuu jiro qaraxaasi lala eegtay ciidanka AMISOM xilli ay marayeen gudaha Degmada Kaxda.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qaraxaasi uusan ka dhalan wax khasaaro ah,balse ay jiraan dad badan oo loosoo qab-qabtay qaraxa inay ka dambeeyeen.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.