Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isha ku haya shirka soo socda ee looga hadlayo arimaha Syria,kaasi oo lagu wado inuu ka dhaco Magaalada Jeneeva ee dalka Swezerland.
Waxaana jira warar sheegaya in shirkaasi ajanadyaasha ugu muhiimsan ee looga hadli doono ay ugu horeyso xaalada dalka Soomaaliya.
Wasiirka Britain u qaabilsan Africa Mark Simmonds,ayaa wariyaasha u sheegay in shirka ka dhici doona Magaalada Caasimada ah ee Jeneeva lagu soo qaadayo xaalada Soomaaliya iyadoo si gaar ah xubnaha golaha ammaanka diirada ay u saarayaan ka hortaga ilaha qeyraadka dalka iyo xadgudubyada lagula kaco haweenka ee kufsiga ugu horeeyo.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka socota golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka mid yahay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson iyo Mas’uulyiin ka socota wadamada horumaray.
Wasiirka Britain u qaabilsan Africa Mark Simmonds ayaa shaaca ka qaaday in shirka Bishan June gudihiisa ka furmaya Geneva Soomaalida danweyn ay ugu jirto,
Isagoona balan qaaday in wadamada ka soo qeyb gala shirkaasi Soomaali si gaar ah ahmiyad u siin doonaan.
Wadamada Beesha caalamka ayaa waxay garab taagan yihiin Soomaaliya iyagoo ku taageeraya sidii Soomaaliya dib ay ugu hanan lahayd nidaamkii iyo kala danbeyntii ka jirtay.
cumar c/rashiid
cumarrahid@gmail.com
Comments are closed.