Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliiska iyo Nabadsugida ayaa howlgalo ka wada Degmooyinka Shibis iyo Boondheere oo ka tirsan Magaalada Muqdisho.
Howlgalkaan oo ah mid saaka aroortii biloowday ayaa ciidamada ammaanka Magaalada Muqdisho ilaa iyo iminka ay wadaan iyadoo dhalinyaro badan lagu soo qab-qabtay howlgalka.
Degmooyinka Shibis iyo Boodnheere ayuu ka socdaa howlgalka waxaana dadka lasoo qab-qabtay ay yihiin kuwa hal meel ciidan ay isugu geeyeen kadibna gaadiidka Booliiska lagu qaadayo.
Saraakiisha howlgalkaan horkacaysa ilaa iyo iminka faah-faahin kama aysan bixin rasmi ahaan tirada dhalinyarada ee howlgalka lagu soo qabtay.
Howlgalka ayaa wuxuu saameeyay isu socodkii dadka iyo gaadiidka labada Degmo ee ciidanka ay howlgalka ka sameeyeen.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.